7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2023
Qaramada Midoobay oo ugu baaqday SSC- Khaatumo iyo Somaliland inay si nabad ah isku dhaafsadaan maxaabiista

Khamiis, October, 26, 2023 (HOL) - Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa ugu baaqday SSC- Khaatumo iyo Somaliland inay si nabad ah isku dhaafsadaan maxaabiista ciidan ee ay kala haystaan.

Labad dhinac ayaa mid kaste wuxuu gacanta ku hayaa maxaabiis uu ku qabtay intii ay socdeen dagaaladii ka dhacayay magaalada Laascaanood, inkastoo maxaabiista ugu badan ay gacanta ku hayaan maamulka SSC-Khaatumo.

Wakiilka Qaramada Midoobay oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho, waxay ku sheegtay, in is-dhaafsiga maxaabiista ay tahay mid kalsoonida lagu dhisayo. Waxay sidoo kale ku boorisay dhinacyadu inay ka taxadaraan inay rabshado kale ka dhacaan magaalada Laacaanood.

Catriona Laing ayaa sheegtay in loo baahan yahay in xal nabadeed loo helo dhulka lagu muransan yahay ee SSC- Khaatumo.  Waxay sheegtay xafiiska Qaramada Midoobay inay ka go’an tahay inay taageeraan dadaalada lagu xoojinayo nabada iyo dhamaynta khilaafka.

Waxay tilmaamtay in colaadda Laascaanood ay ku jirto mowduucyada ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay. Waxay xustay in xaaladdu ay weli tahay mid adag , inkastoo magaalada Laascaanood ay haatan tahay mid deggan oo dadkii ka barakacay ay billaabeen ay dib ugu laabtaan guryahooda.