7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2023
Saylici: Awdal State meelna kagama jirto qaranka Somaliland

Talaado, October, 24, 2023 (HOL) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Awdal State anay ahayn wax suuragal ka ah Somaliland.

Saylici iyo wasiiro kale oo gobolka Awdal ku sugan ayaa iska daba maray in arrinta Awdal State ee maalmahan warbaahinta laga maqlayay anay ahayn wax suurogal ah.

"Qaranka laba qolo kama wadataliso, Awdal State meelna kagama jirto qaranka Somaliland, Alle kama rajaynayno 4 qof oo halkan iskugu soo ururta in aynu noqono, qaran ka qurux badan oo Somaliland la yidhaa ayaynu haysana" ayuu yidhi Saylici.

Waxa uu sheegay in dad meelaha dibadaha ku shiraa ayna go'aamin karin masiirka reer Awdal" Hadad aragteen 4 qof oo meelaha ku shira, garaadkiina siyaasiga ahi in uu kor u kaca loo bahanyahay, masiirka umada reer Awal ma hayaan 4 inamood oo dibada jooga".

Waxa uu sheegay in Awdal anay cidkasta u talin karin, lakiin isaga iyo masuuliyiinta kale ee xukuumada ka tirsan ee gobolka kasoo jeeda ay masuul ka yihiin masiirka dadka gobolka.

Wasiirada kale ayaa sheegay in Laascaanood iyo Boramaba ay yihiin laba magaalo oo Somaliland ka tirsan oo aan sina uga gu'i karin.