7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2023
Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka kusoo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa Libya

Talaado, October, 24, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo talaado ah waxay dalka dib ugusoo celisay muwaadiin Soomaaliyeed oo gaaraya in ka badan boqol qof, kuwaas oo ku dhibaataysnaa gudaha dalka Liibiya.

Soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka yimid dalka Libya, ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga, Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa sheegtay in dowladdu dadaal badan ku bixisay in muwaadiniintan dalkooda lagusoo celiyo.

Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, waxay sheegtay dadka lasoo celiyay in ay u badan yihiin, dhallinyaro, kuwaas oo dhibaatooyin badan kala kulmay dalka Libya, markii dambena codsaday in dalkooda lagusoo celiyo.

Qaar kamid ah dhallinyarada dalka kusoo laabtay ayaa sheegay inay lasoo kulmeen dhibaatooyin kala duwan, iyagoo qaarkood sheegay inay xabsiyo kasoo baxsadeen.

Waxay ka simnaayeen inay ku faraxsan yihiin inay dalka kusoo laabtaan, taasoo ay sheegeen in ahayd go’aan iyaga kasoo go’ay, oo ay ku codsadeen in dalka lagusoo celiyo.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibbada Soomaaliya, Xamse Aadan Xaadow, ayaa ugu baaqay qof kaste oo Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan dibbada inuu tago safaaradda ugu dhow, si loo caawiyo.