7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2023
Mucaaradka Puntland oo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni
 

Talaado, October, 24, 2023 (HOL) - Dallada ay ku bahoobeen mucaaradka Puntland ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalandoonto muddo kororsiga madaxweyne Deni.

Hadalka dallada mucaaradka ayaa looga jawaabayay, go’aan kasoo baxay guddiga doorashada Puntand, kuwaas oo saaray jadwal cusub oo ay u sameeyeen doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Puntland.

Guddiga doorashada Puntland waxay gadaal u dhigeen xilligii doorashada ee siddeeda january, iyagoo ka dhigay 25 February 2024.

Mucaaradku waxay sheegeen in ay galayaan la tashiyo ballaaran oo ay la yeelaneyaan bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo xaqiijiyo in doorashadu ku dhacdo wakhtigeedii 8-da Janaayo.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in meel loogasoo wada jeedsado madaxweyne Deni oo ay ku eedeeyeen inuu doonayo inuu burburiyo, kuna gorgortamo xasiloonida iyo nabada Puntland.