7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan

Talaado, October, 24, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Duhurnimadii maanta uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo iskaashanaya iyo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen kooxda, waxaana halkaas ku dhexmaray dagaal qaatay ku dhawaad 3 saacadood oo xiriir ah.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshe lama oga khasaaraha rasmiga ah intuu gaarsiisan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay ka saareen goobtii ay isku aruursanayeen xubnaha ka midka ah Shabaab, islamarkaana ay wabiga uga talaabeen dhanka Galbeed oo markii hore kooxdu kaga soo gudubtay dhanka Bari.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ay qeyb ka ahayeen dagaalka culus ee maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.