7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2023
Guddiga doorashooyinka Puntland oo soo saaray jadwal doorasho oo muran badan dhaliyay

Talaado, October, 24, 2023 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, ayaa xalay waxay soo saareen jadwal doorasho oo muran badan dhaliyay, kaasoo ay ku xusan tahay, in ay isa saaran yihiin doorashada baalamaanka iyo tan madaxweynaha Puntland.

Guddigan ayaa doorashada waqtigeeda ka dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda, taasoo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray.

Xisbiyadii wada shaqaynta la lahaa guddiga doorashada, iyo kuwa mucaaradka ayaa si isku mid ah uga horyimid jadwalkan. Waxayna sheegeen in aysan waxba kala soconin, islamarkaasna aan laga tashanin.

Eng. Maxamed Khaliif Xasan Jebiye oo hoggaamiye ka ah xisbi siyaasadeed lagu magacaabo SINCAD, kaasoo isbahaysi la ahaa xisbiga Kaah ee madaxweyne Deni uu guddoomiyaha ka yahay, ayaa cambaareeyay jadwalka doorashada, wuxuuna sheegay in ay diidan yihiin wax kaste oo Puntland u horseedaya xasilooni darro siyaasadeed

Dhinaca kale, dallada bulshada rayidka ah ee Puntland ee Punsaa ayaa dhankooda sheegay, in jadwalkan doorasho uusan qeyb ka ahayn wada tashiyadii dhex maray dallada Ururada Bulshada Rayidka iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Punsaa waxay ku taliysay in kala aragti duwanaanshaha doorashooyinka lagu xalliyo wadahadal lagana gaaro xal wadar ogol ah oo u hiilanaya rabitaanka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharraxiinta madaxweynaha Puntland ayaa horey u sheegay in madaxweyne Deni uu damacsan yahay muddo kororsi, isagoo u maraya xeelado siyaasadeed.