7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 21, 2023
Afhayeenka Waddani: Tabasho ayaa ka jirta gobolka Awdal, gobolku madaar malaha ilaa maanta

Sabti, October, 21, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa xukuumada Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay ka gaabisay in ay adeegyada iyo mashaariicda muhiimka ah ka haqabtirto gobolka Awdal.

Afhayeen Maxamed Faarax Cabdi oo waraysi gaar ah siiyay Wariye Faysal Maxamed Fiifa, ayaa sheegay in adeegyo badan oo muhiim ahi ay ka maqanyihiin bulshada gobolka Awdal.

"Tabasho ayaa jirta reer Awdal, tusaale kooban hadan kuu soo qaato wadada Hargaysa ka baxda ee Borama gasha ayaa u wado ah, afarteeda degmo ee kale oo dhani way xanimanyihiin, Awdal maanta madaar malaha" ayuu yidhi Afhayeen Faarax.

Waxa uu sheegay in sidookale gobolku uu baahanyahay biyo galin isaga oo sheegay in xukuumada anay qorshaha ugu jirin in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka taagan adeeg la'aanka goobaha uu xusay.

Waxa uu sheegay in reer Awdal ay iyagu Somaliland dhiseen ilaalinteeda iyo taabogalinteedana aan laga baryayn, dhinaca kalena xukuumada looga baahanyahay in ay mashaariicda horumarineed ee uu gobolku u baahanyahay fuliso.

Waxa uu sheegay in hadii xisbiga Waddani uu qabto talada Somaliland ay umada oo dhan si cadaalad ah ugu wada adeegi doonaan, isla markaana ay kor u qaadi doonaan wax wadalahaanshiyaha.