7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 21, 2023
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo sheegay in dakhliga dowladda uu ku filnaaday bixinta mushahaaraadka joogtada ah

Sabti, October, 21, 2023 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar'id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka hadlay halka uu marayo hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya,  iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay ka miro-dhalinta in daymaha laga cafiyo Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda ayaa shirkiisa ku sheegay in ay dowladdu horumar ballaaran ku sameysay soo xaraynta dakhliga gudaha dalka, taasoo uu sheegay in ay guul wax ku ool ah oo laataban karo u tahay barnaamijka dayn cafinta dalka.

Wasiirka wuxuu sheegay in dakhligu in uu ku filnaaday bixinta nushaaraadka joogtada ah ee Dowladda, haddana ay ku dadaalayaan qorsheyaasha ku aadan sidii ay Dowladdu ugu filnaan laheyd kharashka howlaha xafiisyada.

Bixi Imaan Cige wuxuu ka dhawaajiyay in wadashaqeynta Hey'addaha Maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo adduunka kaleba ay kalsooni wayn ku qabaan in Soomaaliya ay ka mira-dhaliso Geedi Socodka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda maraya gabagabo.

Dhawaan ayay ahayd markii hay’adda hay'adda lacagta aduunka ee IMF ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in laga cafiyo deymaha lagu sheegay dhammaadka sanadkan.