7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 21, 2023
QM oo sheegtay in 1,289 rayid ah sanadkan lagu dilay rabshadaha ka jira Soomaaliya

Sabti, October, 21, 2023 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing oo hadal kooban ka jeedisay magaalada New York ayaa sheegtay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

"Sannadkii hore, waxaan aragnay kororka ugu badan ee khasaaraha rayidka ah, tan iyo 2017. Nasiib darro, xogta horudhaca ah waxay muujineysaa isbeddel la mid ah sanadkan 2023, iyada oo 1,289 dhimasho rayid ah la diiwaangeliyey illaa hadda," ayay tiri.

Ergayga Qaramada Midoobay waxay sheegtay, ololihii milateri ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday bartamaha Soomaaliya inuu ku yimid dib u dhac, inkastoo ciidamada xoogga dalka iyo maleeshiyo beeleedyo markii hore u suuragashay inay dib u qabsadaan dhul muhiim ah.

Ergaygu waxay sidoo kale ka hadashay xaaladda bini'aadantinimo ee dalka, iyadoo ku tilmaamtay mid aad looga walaacsan yahay, iyadoo ku dhawaad afar milyan oo qof ay soo food saartay gaajo halka 1.2 milyan oo qof ay ku barakaceen.

Ergeyga Gaarka ah ayaa sidoo kale xusay horumarka laga gaaray dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in bisha December ay ku gaarto Qorshaha dayn cafinta, iyadoo xusay ansixinta Hindise-sharciyeedka Hanti Dhowrka Qaranka ee arrintaas ku aaddan.