7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 21, 2023
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo weerar afka ah ku qaaday dowladda Fedaraalka

Sabti, October, 21, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka  Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo maanta ka hadlaayay furitaanka Kalfadhigga afaraad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay dhibaato iyo hagar daamo ku heyso maamulka Hirshabeelle, islamarkaana haatan waxii ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin in dowlada fedaraalka ay  gacan bidxeeyso maamulka Hirshabeelle.

"Dowladda Fedaraalka waxay nagu hayso dhibaato iyo hagar daawo u gaar ah Hirshabeelle, wax badan ayaan arinta qarsanay, laakiin hada wixii ka dambeeya dowladda hagar daamada ay inagula dhaqmeyso ayaan kula dhaqmi doona" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sido kale sheegay in dowladda Fedaraalka maamulada kale iney ula dhaqanto si ka duwan sida ay Hirshabeelle ula dhaqanto, taasina aysan aheyn mid ay kula shaqeyn karaan dowladda fedaraalka.

"Ma aqbali doono in maamulada nala mid ah ay si heer sare ula cilaaqaado dowladda, inagana qashin ay inoo soo dirto, waxaan leeyahay qashinka aad noo soo direysan naga daaya, hadii kale anagana qashin ayaan idin so direyna" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Lama oga waxa ay salka ku hayso dhaliishaan adag uu hawada u mariyay dowlada Fedaraalka madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.