7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 21, 2023
Taliska ciidanka Booliiska oo warbixin kasoo saaray weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Ceelasha Biyaha
 

Sabti, October, 21, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay 6 qof oo 4 kamid ah askar yihiin ku geeriyoodeen, 9 kalena ay ku dhaawacmeen, qarax gaari lagasoo buuxiyay oo saakay aroortii ka dhacay lagu deegaanka Ceelasha Biyaha.

Afhayeenka ciidanka booliiska, Saddiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho , ayaa sheegay, in qaraxan loo waday magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay ciidanka dowladdu ku fashiliyeen degaanka Ceelasha biyaha.

Afhayeenku wuxuu sheegay gaariga qarxay in lagasoo dhigay mid aysan xabbaddu karin, wuxuu sheegay inuu ku qarxay bar kantarool oo ciidamadu ku lahaayeen Ceelasha biyaha.

Saddiiq Doodishe wuxuu tilmaamay in ay tahay markii 5-aad oo ay ciidanka dowladdu ka hortagaan gawaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo la doonayay in lasoo galiyo gudaha Muqdisho.

Wuxuu sheegay hay’adaha ka shaqeeya ammaanka in ay muddooyinkii ugu dambeeyay aad u sugeen baraha ciidan ee laga hubiyo amniga Muqdisho