7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2023
War murtiyeed lagasoo saaray shir ka dhacay Turkiga oo ku saabsanaa arrimaha Soomaaliyeed
 

Sabti, October, 14, 2023 (HOL) - Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa lagusoo gabagabeeyay shir ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socday dalalka Turkiga, Soomaaliya, Qatar, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Shirkaan ayaa muhiimadiisu ahayd, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana Soomaalia uga qeyb galay wakiillo ka socday dowladda Federaalka.

War murtiyeed kasoo baxay shikan ayaa lagu sheegay, in waddamada shirkaan isugu yimid ay isku raaceen, inay si buuxda u garab taagan yihiin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka oo dhan. Sidoo kale, waxay bogaadiyeen dadaalada ay muujiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Waxay si faahfaahsan uga wadahadleen hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Waxay dib u eegis ku sameeyeen horumarka laga gaaray dib-u-habaynta laamaha ammaanka ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka xiga ee lagu horumarinayo.

Ugu dambayn, waxay carrabka ku adkeeyeen inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dadaallada Soomaaliya ee lagu dhimayo khatarta Shabaab, iyo in si buuxda looga qaado xakamaynta hubka ee saaran.