7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2023
Qarax khasaare geystay oo Muqdisho lagula eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda
 

Sabti, October, 14, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta askar ka tirsan ciidanka dowladda lagula eegtay Xaafada Waxaracadde ee degmada Heliwa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino ayaa lala eegtay gaari ay saarnayeen ciidamada miino baarista ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho ee loo yaqaano K9.

Ugu yaraan 2 askari ayaa ku geeriyootay qaraxa miino, waxaana ku dhaawacmay sadax askari oo kale, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ku sugan xaafada Waxaracade ee degmada Heliwaa.

Meydka labada askari ayaa la geeyay xarunta C,I,D ee magaalada Muqdisho, iyadoo askarta kale ee dhaawaca ahna la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaan lala eegtay askarta ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay xaafada Waxaracade.

Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyada noocaan oo kale ah ee lala eegto masuuliyiinta iyo askarta ciidanka dowladda xiliyada ay marayaan wadooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho