7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2023
Mucaaradka Puntland oo mar kale ku eedeeyay madaxweyne Deni boob iyo muddo kororsi

Sabti, October, 14, 2023 (HOL) - Dallada ay ku midaysan yihiin kooxaha mucaaradka Puntland, ayaa shaaciyay in aanay aqoonsanayn guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Puntland ee PEC, kuwaas oo madaxweyne Deni uu xalay sheegay in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah.

War saxaafadeed ay soo saareen kooxaha mucaaradku ayay ku sheegeen, in dhismaha guddiga doorashada Puntland loo maray sifo sharci darro ah, sidaas daraadeedna ay wax kaste oo ay soo saaraan yihiin sharci darro.

Mucaaradku waxay sheegeen in Deni uu doonayo xukun maroorsi iyo waqti kororsi aan waafaqsanayn dastuurka, taasoo ay sheegeen inay khatar ku tahay nabadda Puntland.

Waxay mucaraadku beesha caalamka ugu baaqeen in aysan taageerin waxay ugu yeereen boobka iyo muddo kororsiga sharci darrada ah.

Waxay farriin gaar ah u direen dowladda Imaaraatka Carabta oo taageerta ciidanka badda Puntland, kuwaas oo ay ku eedeeyeen mucaaradku inuu madaxweyne Deni u adeegsanayo afduubka masiirka reer Puntland.

Waxay sheegeen mucaaradku, madaxweyne Deni haddii uu kusii socdo tallaabooyinka ay ku tilmaameen sharci darrada, in ay soo magacaabi doonaan guddiga xulista baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka doorashada.