7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2023
Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo war kasoo saaray dhacdadii Xildhibaan Black loogu diiday inuu u safro Baydhabo

Sabti, October, 14, 2023 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Barlamaanka federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa baaq kasoo saarey xaalada siyaasadeed iyo amni ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mudanayaashaan ayaa ugu horeyn ka hadlay falkii maalin ka hor ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa in diyaarad siday meydka nin ganacsade ahaa oo u socotay Baydhabo loo diiday inuu raaco Xildhibaan Cabdullaahi Black oo marxuumka ilmo adeero ahayeen.

Xildhibaanadaan ayaa ugu baaqay madaxda  dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xukuumadiisa iyo guddoonka Golaha Shacabka iney jawaab deg deg ah ka bixiyaan falkii looga reebay diyaarada Xildhibaan Black.

War Murtiyeed ay soo saareen Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale waxaa loogu baaqay Xildhibaanada labada gole in wax ka qabtaan waxyaabaha Sharci darada ah.

Hoos ka akhriso War murtiyeed ka ay soo saareen Xildhibaanadaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed:-