7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2023
Madaxweyne Deni: SSC-Khaatumo xuquuqdooda way kusii lahaanayaan inta ay ka baxayaan kumeel gaarka

Sabti, October, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dadka reer SSC- Khaatumo ay qeyb kasii ahaanayaan maamulka Puntland.

Hadalka madaxweyne Deni Puntland ayaa u muuqda mid jawaab u ah, hadal dhowr habeen ka hor uu sii daayay hoggaamiyaha SSC- Khaaumo, Cabdulqaadir Firdhiye, Kaaso sheegay in dadka SSC-Khaatumo aysan ka qeyn ahaan doonin doorashada soo socota ee Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu hadal uu xalay jeediyay ku muujiyay inuu garab taagan yahay dhismaha iyo horumarka maamulka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay inta uu maamulku ku jiro labada sano ee kumeel gaar yahay inay xuquuqdooda kusii lahaanayaan maamulkiisa Puntland.

"Puntland way taageersantahay dadka SSC, Maamulkooda iyo dhaqankooda sida hore u sheegnay, mudada labada sano ah ee ay dhismayaana wixii xuquuq ah ee ay Puntland ku lahaayeen sidoodii ayeey u helayaan, waana la garab-taaganahay taageero nooc walbo"Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.