7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2023
Firdhiye: SSC- Khaatumo qeyb kama ahaan doonto doorashada soo socota ee Puntland
 

Talaado, October, 10, 2023 (HOL) - Hogagamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), caawa ku dhawaaqay in aysan SSC- Khaatumo qeyb ka ahaan doonin doorashada soo socota Puntland.

Hadalkan ayuu hoggaamiyaha SSC- Khaatumo  ka sheegay, isagoo ka qeyb galayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku casuumtay mac’hadka Heritage, kulankaas oo uu kusoo bandhigay qorshaha maamulkiisa.

“Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC- Khaatumo.

Firdhiye wuxuu sheegay qof kaste oo kasoo jeeda SSC, oo xil ka haya maamulada kale in matalaadiisu ay tahay wax isaga ku kooban.

Hadalka hoggaamiyaha SSC- Khaatumo ayaa kusoo beegmay, iyadoo Puntland ay ku jirto xilli kala-guur ah loona diyaar garoobayo doorashada soo socota madaxtinimada.

Degaanada SSC- Khaatumo waxaa Puntland ku matala 17 xildhibaan, madaxweyne ku xigeenka, wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal guud.

Madaxweynaha Puntand Siciid Deni, ayaa mar sii horraysay ugu baaqay SSC- Khaatumo in ay  wax la qeyb sadaan maamulka Puntland.