7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2023
Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo soo bandhigay magacyada masuuliyiin hore oo la maqan gaadiidka dowladda
 

Talaado, October, 10, 2023 (HOL) - Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa soo saaray amar ku socda masuuliyiin horay dowladda uga soo qabtay xilal kala duwan oo horay usii qaatay gaadiidkii dowladda ay siisay.

Warsafaxadeed kasoo baxay Xafiiska Hantidhowrka guud ayaa lagu faray in masuuliyiinta haysata gaadiidka dowladda iney si deg deg ah gaadiidka gacantooda ku jira dib ugu soo celiyaan haya'daha dowladda ee Milkiyadooda iska leh.

Warka kasoo baxay Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa lagu soo bandhigay magacyada 18 masuul oo la sheegay ineysan dib dowladda ugu soo celin gaadiidkii la siiyay mudadii ay xilalka hayeen,

Xafiiska ayaa sidoo kale faray masuuliyiintaan in mudo 15 maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa Maanta oo taariiqdu tahay 10-ka bisha Oktoobar, islamarkaana ku eg 25-ka bishaan Oktoobar.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo Dhameystiran:-