7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2023
Israa'iil iyo Falastiin oo isugu hanjabay inuu hadda biloow yahay dagaalka
 

Talaado, October, 10, 2023 (HOL) - Iyadoo uu wali socdo dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa hadana labada dhinac waxay is dhaafsadeen fariimo hanjabaado ah oo dhan walba uu ku sheegayo in haatan uu bilaaw yahay dagaalka.

Fariimaha hanjabaadaha ee kasoo kala yeeray Israa'iil iyo Xamaas ayaa dhaliyay dareen cabsi leh oo kusii kordhay dadka ku nool deegaanada uu haatan ka socda dagaalka.

Hanjabaadda cusub ee labada dhinac kasoo yeertay waxaa barbar socda duqeymo iyo weeraro baaxad leh, sida ay soo tabinayaan Talefashinada Caalamiga ah, waxaana lagu  arkaya muqaalada uuro iyo olal badan oo meelo kala duwan ah.

Sabtigii lasoo dhaafay ayay aheyd markii xoogaga Xamaas ay ku qaadeen Israa'iil weerar laga yaabay noociisa oo ay kusoo furteen Gaadiid dagaal iyo Hubka ciidan, islamarkaana ay kusoo qafaasheen maxaabiis isugu jirta Askar iyo shacab, taasoo banaanka soo dhigtay awooda dagaalkaas ay ku yeesheen sanado kadib dadka reer Falastiin.

Dagaalka Xamaas ay ku awood roonaatay ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya kun ruux oo isugu jira askar iyo shacab ku dhintay duqeymaha culus oo ay labada dhinac is ku adeegsadeen, waxaana dagaalkaasi siyaabo kala duwan uga falceliyay qaar ka mid ah dalalka Caalamka oo la kala saftay Israa'iil iyo Falastiin.