7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2023
Weeraro lagu qaaday xarumihii kaydkii hubka Alshabaab ee Jubbada Dhexe
 

Talaado, October, 10, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya kuwa saaxiibada caalamka, ay qaadeen howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyada Alshabaab ee Bu’aale, Saakow, iyo Jilib gobolka Jubbada dhexe.

Dowladdu waxay sheegtay in saldhigyadan la wareeraray ay ku jireen kaydka hubka kooxda Alshabaab. Warar horudhac ah waxay sheegayaan in in Alshabaab uu soo gaaray khasaare weyn.

Dowladdu faahfaahin intaas ka badan ma bixin.

Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera weerarada cirka, si loo wiiqo awoodda Alshabaab ay ku abaabulayso weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Maalmo ka hor Maraykanka waxa uu duqeymo ka fuliyay degaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo Alshabaab ay ku lahaayeen xarumo ay kasoo abaabulaan weerarada qorshaysan.

Weli dowladda uma suurto galin inay Alshabaab ka saarto Mudug iyo Galgaduud. Ciidanka ayaa dib usoo faarujiyay degaanadii Alshabaab ay ka qabsadeen sida Galhareeri, Galcad, Ceelbuur iyo Ceel la helay.