7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2023
Guddoomiye Yabooh “Masaajidda iyo Dusgiyada nooma qorna in canshuur laga qaado, kumana jirto File-ka dowladda"
 

Talaado, October, 10, 2023 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa maanta ka jawaab celiyay cabasho xoogan oo kasoo yeertay dadka ku nool inta u dhaxeysa degmada Kaaraan iyo deegaanka Gubadleey ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool deegaanadaas ayaa shalay si kulul uga hadlay Canshuur la sheegay in Masaajidyada iyo Dusgi Quraanada ku yaala deegaanadaas ay qaadayeen rag ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya, taasi oo noqotay mid si weyn ula yaabeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye Yabooh oo arintaas xal u helideeda ka daluuyay ayaa maanta tagay xaafadaha laga soo wariyay dhacdaan la yaabka badan, wuxuuna sheegay in maamulka gobolka uusan  wax ka ogeyn canshuur laga qaadayo goobaha lagu cibaadeysto iyo dugsiyada lagu barto Quraanka kariimka.

“Masaajidda iyo dusgiyada nooma qorna in canshuur laga qaado, kumana jirto File-ka dowladda hoose, waana i maqlaayaan labadii maamul ee halkan ka jiray, amarkaas waa amar duq magaallo, Sideedaba masaajid iyo dugsi waa la kaalmeeyaa waa la garab isaataagaa, waxaa la rabaa inay nooga duwanaadaan waxa kale oo dhan" ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka ayaa sidoo kale raali galin buuxda siiyay shacabka iyo waxgaradka degmada Kaaraan iyo deegaanka Gubadleey, isagoona balan qaaday in wax badan ka qaban doonaan arrintaan.

Dhacdaan ayaa saacadahii lasoo dhaafay si weyn u dhalisay hadal heyn badan, kadib markii ay ka fajaceen in Canshuur laga qaadayo Maasajidyada iyo goobaha lagu barto Quraanka Kariimka.