7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2023
SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ka danbayso dagaalo maanta iyo shalay ka dhacay gobolka Sool
 

Khamiis, November, 9, 2023 (HOL) - SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay in ay colaad ka hurunayso deegaano ka tirsan gobolka Sool, isla markaana ay masuul ka tahay dagaalo maalintii labaad ka dhacay deegaanada Yayle iyo Buqdharkayn ee gobolka Sool.

Warsaxaafadeed kasoo baxday SSC Khaatumo, ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dagaalka masuul ka yihiin, isla markaana ay weerareen dad shacab ah.

"Ciidamada Muuse Biixi oo fulinaya go'aamadii iyo hanjabadii isdabajooga ahayd ee uu ku sheegay in aanu joojinayn colaada, isla markaana uu sii wadayo colaado hor leh, ayaa 6, November dagaal gaadmo ah kusoo qaaday shacab reer guuraa ah oo dagan deegaanka Yayle ee gobolka Sool".

SSC Khaatumo ayaa dagaalka guulo ka sheegatay iyada oo sheegtay in ay Somaliland ka qabteen baabuur iyo maxaabiis gaadhaya ilaa 10 maxbuus, iyaga oo sheegay in taasi ay caddayn u tahay in ay dagaalka guul ka gaadheen.

Ugu danbayn, waraaxaafadeeda waxa ay SSC Khaatumo kaga codsatay dowlada federaalka iyo beesha caalamka in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadaa, iyaga oo sheegay in Muuse Biixi fulinayo balan uu hore ugu qaaday in uu dagaalka wadayo.

Somaliland ayaa iyaduna dhankeeda dagaalka guul ka sheegatay, iyada oo sheegtay in guuto ka tirsan ciidamada sida gaar ah u tababarani ay dagaalka maanta ka qaybgaleen.