7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2023
Golaha Wasiiradda oo faray hay'addaha in gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka daadadka iyo Fataahaduhu saameeyeen
 

Khamiis, November, 9, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda oo lagu meel mariyay hindise sharciyeedyada kala ah Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo Golaha ay horgeysay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Kulanka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay warbixin la xariirta dhibaatooyinka ka dhashay roobabka iyo daadadka ka dhashay ee ka da'aya inta badan  gobolada dalka iyo Fataahada.

Golaha wasiiradda ayaa ayaa sidoo faray hay'addaha gargaarka in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha is barbar socda.

Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulanka looga dhageystay warbixno la xariira xaalada guud ee amniga dalka, iyagona Golaha u soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda ayaa kusoo beegmaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin badan oo ka mid gobolada dalka ay ka jiraan xaalado bani'aadanimo oo ka dhashay daadad yo fatahaado is barbar socdo oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay dad gaaraya 43 ruux, islamarkaana ay ku barakaceen in ka badan 300,000 oo ruux.