7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2023
Kulan lagaga hadlayay iskaashiga amniga ee Itoobiya Soomaaliya iyo Kenya oo Jigjiga lagu qabtay

Khamiis, November, 9, 2023 (HOL) - Kulan loogu magac daray Daris wanaaga dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Madaxweyne ku xigeennada dowlad gobaleedada Jubbaland iyo Galmudug ee Soomaaliya ayaa waxaa lagaga hadlay sidii amniga guud ahaan la isooga kaashan lahaa, isla markaana loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka ganacsiga iyo waliba is dhex galka bulshada degaannadaas.

Ugu horreyn Madaxweyne Mustafe Cagjar oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in halista u badan ee dhanka amniga ee ka jirta geeska Afrika ay saamayso dadka Soomaalida, isagoo xusay in halista amni ee xuduudaha ka jirta ay ka imaan karto dhinaca Al Shabaab oo uu sheegay in lagaga hortagi karo Amniga iyo adeegga dowladnimo oo kor loo qaado, iyo in dhanka maskaxda lagala dagaallamo xagjirnimada.

Dhinacooda masuuliyiintii kasoo qaybgashay kulankan oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan ayaa soo dhaweeyay qorshahan saddexda dal waa Itoobiya Soomaaliya iyo Kenya ay isaga kaashanayaan arrimaha dhanka Amniga xuduudaha iyo is dhexgalka bulshada Soomaalida oo wada dega saddexdaas dal.

Saddexda dal ee Itoobiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa wada dega dad Soomaali ah oo Diin iyo dhaqan wadaaga, isla markaana leh xuduud dheer, waxayna masuuliyiinta ka kala socotay dalalkan gabagabadii kulankooda isku afgarteen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga xuduudaha, lana fududeeyo is dhexgalka bulshada Soomaalida ee wada degta Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya.