7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2023
Axmed Madoobe oo walaac muujiyay saamaynta roobabku ka geysteen degaanada Jubbaland
 

Khamiis, November, 9, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay, in dad gaaraya 14 qof ay ku geeriyoodeen, halka 450,000 oo qoysna ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay roobadku in ay barakaciyeen 90,000 qoys, sidoo kale wuxuu sheegay in ay  hadda go’doonsan yihiin dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in la gaarsiiyo gargaar deg-deg ah.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay shirka golaha wasiirada Jubbaland, ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aan wanaagsanayn, ayna kusoo rogmadeen daadad xoogan oo ay dad ku dhinteen.

Degmada Garbahaarey 6 qof ayaa ku dhintay, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka, halka degmada Ceelwaaq iyo Jubbada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof sida uu xaqiijiyey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay aadka u saameeyeen roobabka dayrta. Waxaana degaanada qaarkood ay ku jiraan go’doon, sida degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dowladda federalka iyo hay’adaha samafalka ayaa iska kaashanaya in lasoo daad gureeyo dadka ay go’doomiyeen daadadka ka dhashay roobabka.