7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2023
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
 

Khamiis, November, 9, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Phillipi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay halkaasi ku dileen laba muwaadin oo Soomaali ah.

Burcada hubeysan ayaa labada Muwaadin ee Soomaaliyeed oo ku dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku taalay deegaanka Phillipi, waxaana la sheegay in dilka kadib ay dhaceen agabkii muhiimka ahaa ee dukaanka yaalay.

Labada Muwaadin ee Xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo ah wiilal dhalinyaro ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin.

Dilka kadib ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baartaano aanan kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Bishaan Novembar gudaheeda waxaa dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ilaa sideed Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dilalkaasi joogta ah ee lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ka dhex ganacsada.