7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2023
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda oo kulan deg deg ah la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed

Isniin, November, 6, 2023 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed, kaasoo looga jawaabayo dhibaatooyinka ka dhashay roobabka deyrta ah ee ka da'aya qaar ka mid ah gobolada dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ka dhashay saameynta roobabka oo ay Xukuumaddu xaqiijisay iney ku dhinteen dad gaaraya 25 ruux, islamarkaana ay sidoo kale saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Raysal Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.

"Walaalayaal daruufta ayaa isu keen keentay waad aragtan waxa ka socda gobolada dalka waxa ka dhacaya ee daadad ah, Jubbaland dhamaanteed halis ayay ku jirta Baydhabo waxad arkeysen saaka sida daadadku yihiin oo cirifkeedu ku nool yihiin afar boqol oo kun oo qof, magaalooyinka kale Baledweyne, Buula burte, waxaa sidoo kale kuso wajahan halista ka jirta gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka, jowhar hada la joogo nawaxigeeda waxaa la isaga kala gudba doomo, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo daadad lagu aqoon waad aragtan waxa ka dhacay oo daad ah walina laga cabsi qabo, marka arrimahaas oo idil gurmad ayay naga rabaan" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Wuxu sidoo kale hoosta ka xariiqay Raysal wasaare ku xigeenka sida ay lagama maar maan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is barbar socda.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ka sheegay kulanka inay diyaar u yihiin gurmadka walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya inta badan gobolada dalka.