7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2023
Puntland oo shaacisay khasaaraha dhimasho uu geystay roobkii cuslaa ee Gaalkacyo ka da'ay
 

Isniin, November, 6, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay inay saddex qof oo shacab ahi ay ku geeriyoodeen roobkii cuslaa ee habeen hore ka da’ay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay qiimayn ay sameeyeen in ay ku ogaadeen in roobku uu geystay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh. Wuxuu sheegay boqolaal qoys inay guryahooda ka barakaceen, kuwa kalena ay guryahooda ku go’doonsan yihiin weli.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay dhici karto in dhimashadu intaas kasii badan karto, islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu baadi goobayo dad lagu weli lagu la’ yahay meelihii ay daadadku kusoo rogmadeen.

Wuxu guddoomiyuhu sheegay in magacaabeen guddi ka shaqayn doono sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka waxyeeladu kasoo gaartay roobka ka da’ay magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, kooxaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in aanu usoo jeedin wax ka qabashada iyo u diyaar garowga waxyeelada ay sababayaan roobabka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in madaxweyne Deni uu ku mashquulsan yahay muddo kororsi, halkii uu u gurmad lahaa musiibada ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo ay roobabku sababeen.