7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2023
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno kala duwan ku riday laba askari oo Walaalo ah
 

Isniin, November, 6, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday laba askari oo ka tirsana ciidanka Booliiska Soomaaliya, kuwaas oomid ka mid ah u horay di u geystay.

Askarta xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo la sheegay inuu dil bareer ah uu u geystay Dable Booliis Cabdikariin Ibraahin Cali Awdaango, iyadoo Dable Booliis Daahir Cabdi Mustaf loo soo xiray gacansiin dambi kadib markii dilaaga oo walalakiis ah u dhiibay qoriga uu dilka ku geystay.

Garsoorka Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo dhageystay dacwada dhinacyada bishii Febraayo 22-keedii sanadkaam 2023-ka ayaa ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali  Awdaango, halka Dable Booliis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Qareenadda eedeysanayaasha oo racfaan ka qaatay xukunka ayaa markale Maxkamadda sare ee ciidamada waxay dhageysatay kiiskaan 1-di bishaan November 2023-ka, waxaana ugu dambeyn maanta ku raacday Maxkamada sarre xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamada Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalbka sida Janaraal Liibaan Cali Yaroow.