7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2023
Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool

Isniin, November, 6, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan kula wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool.

Deegaanada ay ciidamada isgarabsanaya kala wareegaan kooxda Al-shabaab ayaa kala ah War-wiin, War-dhato, Ceelahaley, iyo moorigaabey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool.

Taliyaha guudtada 9-aad qeybta 60-aad Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan oo hoggaaminaayay ciidamada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah ay si wadayaan ciidamada inta ay ka saarayaan kooxda Shabaab deegaanada kale oo ay kaga sugan yihiin Bakool.

Howlgalkaan ciidamada kula wareegeen deegaanadaan ka tirsan Bakool ayaa kusoo beegmaya, iyadoo abaabulkii ugu dambeeyay howlgalka wajiga labaad uu ka socdo magaalooyinka waa weyn ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.