7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2023
Roobabkii dayrta oo fatahaado baahsan iyo barakaca ka geystay gobollada Gedo iyo Baay
 

Isniin, November, 6, 2023 (HOL) - Roobabkii dayrta ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay si xoog leh uga da'ay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Gedo iyo Baay, taasoo sii kordhisay saamaynta ay geysteen roobabku.

Wabiyada oo buux dhaafiyay iyo kor u kaca biyaha ayaa ah mid si caadi ah loo arkay, taasoo keentay in boqollaal qoys ay ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen iyo kuwa kale oo weli ku xayiran meelaha ay dhibaatadu ka dhacday.

Guddoomiyaha degmada Baardheere, Maxamed Wali Yuusuf Koorax ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan ka dhasheen roobabka dayrta ee sida joogtada u da'aya, kuwaas oo aan saameyn ku yeelan gobolka Gedo oo keliya, balse sidoo kale saameeyay gobollada deriska la ah.

Roobabkan oo aan kala joogsi lahayn ayaa sababay daadad soo rogmaday, kuwaasoo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh, iyadoo ay sababeen barakaca qoysas badan.

Wuxuu si deg deg ah ugu baaqay dowladda iyo maamulka Jubaland in gurmad deg deg ah lala soo gaaro qoysaska dhibaatadu soo gaartay.

“Dhammaan xaafado ka tirsan degmada Baardheere waxaa saameeyay fatahaada wabiga Shabeelle, taasoo keentay in dad badan ay ka barakacaan gobolka Gedo. Gargaar degdeg ah waa codsigeena,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay fatahaado xooggan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo xaafado badanna ay noqdeen kuwo aan la geli karin, isla markaana sababay barakaca dadka deegaanka.

Senator Adam C/naasir oo Aqalka Sare u matalaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Caalamiga ah gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka dhibaateysan.

Daadad ka soo rogmaday isha Baydhabo ayaa gudaha u galay xaafadaha Magaalada  Baydhabo waxaana dumay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen, barakac xoogleh ayaana maanta ka jira xaafadaha qaar sida uu maamulku sheegay.

Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ka go'day deegaan lagu magacaabo Jameeco oo u dhaw Buur-hakaba, waxaana halkaas ku go'doonsan gaadiidkii dadweynaha ee labada magaalo u kala safrayey.

Guddiga gurmadka Koonfur galbeed oo warbixin kasoo saaray roobabka, ayaa dadka ugu baaqay inay ka feejigaanaadaan meelaha qatarta leh. Waxayna dadka ugu baaqeen inay guryahooda ku sugnaadaan inta ay daadadku socdaan.