7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2023
Midowga Yurub oo 1 milyan oo yuuro ah ku taageeray qalabaynta ciidanka xoogga dalka

Talaado, November, 28, 2023 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa soo dhaweysay taageero uu Midowga Yurub ugu yaboohay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo ah qalab qalabayn ciidan oo ku kcaysa hal Milyan oo yuuro ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga, ayaa lagu sheegay, in taageeradan la siinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ay tahay mid sii kordhinaysa tababarada iyo qalabaynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in qalabaynta ay ka caawinayso ciidanka xoogga dalka, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda howlgallada amni ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub ayaa qaatay tilaabooyin caawimo ah oo lagu taageerayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyaga oo kaashanaya Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Goluhu wuxuu meel mariyey lacag ku kacaysa 1 milyan oo Yuuro, taasoo hoos imaanaysa Xarunta Nabadda ee Yurub, si loogu taageero qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u yeeshaan awood muuqata.

Tallaabadan kaalmada ah ayaa lagu xoojin doonaa tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababari doono xarunta tababarka ee Jeneraal Dhagabadan.