7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2023
Beesha Bariga Burco oo baaq kasoo saartay dagaaladii dhawaan ka dhacay Buqdharkayn iyo Yayle
 

Talaado, November, 28, 2023 (HOL)- Shirwayne loogu magacdaray Talowadaag oo ay iskugu timid beelwaynta Bariga Burco, ayaa laga soo saaray baaq nabadeed iyo colaadeed oo ku wajahan colaadii baryahan ka taagnayd deegaanada Yayle iyo Buqdharkayn ee gobolka Sool.

"Beelaha Habarjeclo waxa ay go'aan ku gaadheen difaaca deegaankooda, waxayna caddaynayaan in anay dulaan ku ahayn deegaanada Dhulbahante iyo deegaanada kale ee ay oodwadaagta yihiin, diyaarna u yihiin nabad ku wada noolaansho iyo daris wanaag" ayaa lagu yidhi baaqa.

Beesha ayaa dhinaca kale sheegtay in ay u dulqaadan doonin duulaan ka dhan ah deegaanka, dhinaca kale garaadada SSC Khaatumo ayaa iyaguna dhankooda nabad ku baaqay kadib dagaalo beelaha dhexmaray.

Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco ayaa beeshiisa ugu baaqay in ay isdifaacaan, oo ay fadhiga ka kacaan, "Waxaan idin leeyahay fadhiga ka kaca oo wax iska celiya" ayuu yidhi.

Hoos ka akhriso bayaanka beesha bariga Burco :-