7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2023
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Talaado, November, 28, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano ku yaala bariga gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay ku bartilmaameedsadeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koonfureed kaga beegaan Magaalada Budbud, islamarkaana lagu dilay lix ka mid ah kooxda Al-shabaab.

"Ciidamada ayaa waxaa u suurta gashay iney lawareegan fariisimihii Khawaariijta halkaas qasaara xooggan lagu gĂ arsiiyay cadwaga iydoo 6 kamida maleeshiyaadkii isla goobta lagu toogtay Saanad & Hub ciidan ey gacanta ku so dhigeen" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahisay warbaahinta Qaranka.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada iskaashanaya ee howlgalkaan fuliyay waxay sidoo kale sheegeen in wali ciidamada ay howlgallo ka wadaan dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud ayna sii wadayaan inta deegaanadaasi ka xureynayaan Al-shabaabka ku sugan.