7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2023
Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18 jirada ah oo guul weyn ka gaaray dhigooda dalka Suudaan

Talaado, November, 28, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw soo idlaatay ciyaar u dhaxeysay xulalka qaranka dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ee 18 jirada ah, taasoo ka mid aheyd kulan ka tirsan koobka Bariga iyo bartamaha Afrika.

Xulka Qaranka dalkeena Soomaaliya ayaa  dhiggooda xulka dalka Suudaan ugu awood sheegtay 3-0 goolal ah.

Ciyaaryahanada xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo aanan horay looga baran oo rajo weyn galisay dadka Soomaaliyeed in markale Soomaaliya koobkaan ku guuleysan karto.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga Hambalyeysay guusha xulka qaranka 18 jirada dalkeena ay maanta ka gaareen dhigooda dalka Suudaan.

"Soomaali baad u tahay Guul. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka qarankeenna oo sadex Gool iyo zero( 3-0) kaga adkaaday xulka qaranka Sudan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Kulankaan ay maanta xulka qaranka Soomaaliya ku garaaceen dhigooda dalka Suudaan ayaa Soomaaliya u noqonaya kulankii labaad, waxaana kulankaan kii ka horeeyay ay lasoo Ciyaareen xulka dalka Rwanda oo guul dirqi aheyd ka gaaray xulka Soomaaliya oo kulankaas ku ciyaareyay 10 ciyaartooy  kadib markii uu kaarka casaanka ah uu qaatay ciyaaryahan ka mid ahaa xulka qaranka Soomaaliya.