7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku booriyay shacabka Jubbaland inay hubkooda qaataan si ay isaga xoreeyaan Alshabaab
 

Talaado, November, 28, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ku booriyay shacabka Jubbaland in ay hubka qaataan si loo xoreeyo deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo si qiiro leh uga hadlay magaalada Kismaayo, ayaa shacabka isugu yeeray inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.

“Shacabka Jubbaland waxaa looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan sidii dalkan loo xoreyn lahaa, si ay hubka u qaataan oo meesha uga saaraan. Waxaan idinka rabnaa in aad u diyaar garowdaan difaaca iyo xoreynta dhulkiina,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa daboolka ka qaaday in dowladdu ay ciidamo dheeraad ah geyn doonto deegaanada uu ka arimiyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Tallaabadan istaraatiijiga ah, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in looga golleeyahay in lagu tayeeyo ciidamada hadda jira iyo in sare loo qaado ammaanka magaalooyinka Jubbaland.

Raysal wasaare Xamse, ayaa ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan ciidamada ku howlan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga ciribtiri lahaa deegaanada Jubbaland.

Waxa uu caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in la keeno ciidamo Milatari ah oo lagu xoojiyo dadaalada jira ee lagula dagaalamayo Alshabaab.