7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 24, 2023
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo lagu eedeeyay inuu afduubtay madax bannaanidii baarlamaanka Puntland
 

Jimco, November, 24, 2023 (HOL) - Xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, inuu afduubtay madax bannaanida golaha baarlamaanka, si uu u fuliyo qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Deni.

Mudanayaasha baarlamaanka waxay sheegeen, in guddomiyuhu carqalad ku noqday dedaalada nabadeed ee ka socda magaalada Garowe, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashada, loona baajiyo dagaalka dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay Garowe, ayaa sheegay in aan la meel marin doonin xeerka wax ka beddelka doorashooyinka oo ay sheegeen inuu yahay “qori dableh” oo gudodomiyuhu uu doonayo inuu ku gubo xasiloonida iyo nabadda Puntland.

Waxay sheegeen qorshihiisa inuu yahay, socod siinta qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Deni, kaasoo mucaaradku ay ku eedeeyeen in uusan doonayn in heshiis wadar oggol ah laga gaaro muranka ka taagan nidaamka doorashada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha baalamaanka wuxuu sheegay in axada todobaadka soo socda laga doodidoono xeerka wax ka beddelka doorashada, isagoo guddi cusub u saaray.