7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 24, 2023
Hay'adda Sirdoonka Somaliland oo qabtay qalab caafimaad iyo taayiro ay sheegtay in loo waday Laascaanood


Jimco, November, 24, 2023 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa qabatay qalab caafimaad iyo taayiro baabuur oo ay sheegtay in lagu waday magaalada Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay hay'adda ayaa lagu sheegay in ay qabatay taayiro baabuur oo loo waday ciidamada SSC Khaatumo ee dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

"Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland ee NIA  oo ku daba jirta saanaddo dagaal oo ku wajahan kooxaha ka dagaalama Laascaanood ayaa gacanta ku dhigtey 200- oo taayir, oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu talagalay" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa intaa ku daray in sirdoonka oo kaashanaya ciidamada amaanku uu burburiyay kooxo isku xidhan oo adeegyo caafimaad gaadhsiiya magaalada Laascaanood.

"Dhanka kale NIA oo garabsanaysa laamaha nabadgelyada ayaa burburisay shabakado adeegyo caafimaad gaadhsiiya kooxaha Laascaanood, waxaana lagu soo qabtey qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gargaarka degdegga ah" ayaa markale lagu yidhi qoraalka.

Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii hoggaan cusub loo magacaabay dhawaan, ku guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigto dad eedaysanaal ah iyo qalab  kala duwan oo ay ku andacoodeen in uu amniga khatar ku yahay.