7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 24, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo safiir cusub u magacaabay dalka Kenya
 

Jimco, November, 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tagi doona Nairobi, xilli Kenya ay sidoo kale bedeshay danjiraheedii u fadhiyay Muqdisho.

Ambassador Jabriil, ayaa kasoo shaqeeyay Kenya tobankii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu bedelayaa danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Duqii hore ee Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sagootisay danjire Tarsan, oo soo gabagabeeyay waajibaadkiisii safiirnimo ee dalka Kenya.

Wuxuu soo shaqeeyay waqtiyo adag oo labada dowladood xiriirkooda uu aad u xumaaday.

Danjiraha cusub wuxuu kamid yahay siyaasiyiinta dhowr mar iskusoo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Hawsha ugu horraysa ee hortaala safiirka cusub, waa in uu fududeeyo in dib loo furo xuduudaha labada dal.