7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 24, 2023
Kooxo burcad badeed ah oo doon kalluumaysi ka afduubtay xeebaha degmada Eyl
 

Jimco, November, 24, 2023 (HOL) - Kooxo hubaysan oo burcad badeed ah, ayaa xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka afduubtay doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen,

Doontaan ayaa waxaa saaran 16 shaqaale Iiraaniyiin ah, iyo hal nin oo Soomaali ah oo ilaalo ka ahaa shaqaalaha doonta.

Bashiir Siciid Cismaan oo ka mid ah wakiillada doonidaas ayaa warbaahinta u sheegay in ay la xiriireen kooxda afduubatay doonta.

Wuxuu sheegay in ay kooxda afduubka ku haysata doonta ay weydiisteen dhaqaale dhan afar boqol oo kun dollar, si ay u siidaayaan doonta iyo shaqaalaha saaran.

Wuxuu sheegay in doonta ay ka diiwaan gashan tahay Puntland, ayna haysato shati ay kaga kalluumaysato xeebaha Puntland.

Wuxuu sheegay in burcad badeeddu in ay ku habjabeen haddii aan la siinin lacagta ay dalbadeen, inay doonida u adeegsan doonaan sidii ay maraakiib ugu qabsan lahaayeen.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka booliiska Puntland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in hay’adaha amnigu ay ku howlan yihiin sidii loosii dayn lahaa doonta la afduubtay, isagoo sheegay in kooxda ay afduubatay ay la aadeen bariga fog ee badda.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ku amreen wakiillada doonta in aysan bixin karin madax furasho. Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in lasoo qabtay afduubayaasha si sharciga loo horkeeno.

Degmada Eyl ayaa kamid ah meelihii ugu horreeyay ee ay ka bilowdeen afduubashada maraakiibta iyo doonyaha kalluumaysiga. Hase ahaatee, sanadkii 2012 ayaa lagu guulaystay in lasoo afjaro howlihii burcad badeedda.

Markii burcad badeeddu meesha ka baxeen, waxaa aad usoo kordhay jarriifka lagu hayo xeebaha, taasoo dhibaato weyn ku noqotay kalluumaysatada maxaliga ee Puntland.