7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 24, 2023
SSC- Khaaatumo oo ka qeyb gali karta tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo Banaadir
 

Jimco, November, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in maamulka SSC- Khaatumo uu ka qeyb gali doono tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaaadir, haddii ay buuxiso sharuudo farsamo oo horyaala.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, ayaa sheegay in maamulka SSC- Khaatumo looga baahan yahay inay soo dhisaan xiriirka kubadda cagta SSC- Khaatumo, si ay 15-ka bisha December uga qeyb galaan tartankan.

Wasiirku wuxuu sheegay in aanay jirin arrimo siyaasadeed oo SSC- Khaatumo looga reebay tartanka, wuxuuna sheegay inay dadaal xooggan ay ku bixiyeen in SSC ay kasoo qeyb galaan koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Dhinaca kalena, maalmo ka hor, xoghayaha dhallinyarada iyo cayaaraha SSC- Khaatumo, ayaa magacaabay guddiga xiriirka kubadda cagta ee SSC- Khaatumo, si ay sharuudaha usoo buuxiyaan.

Dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa maamulkan u aqoonsatay maamul kumeel gaar ah oo heer degaan ah.