7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2023
Xildhibaano iyo siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo ka hadlay saameynta fatahaada Baledweyne
 

Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay saameynta ka dhalatay fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baledweyne.

Xildhibaanadaan iyo siyaasiyinta ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka in gurmad deg deg ah la gaaran shacabka reer Baledweyne ee sida weyn u saameysay Fataahada.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in dadka reer Baledweyne gabi ahaanba ay wajahaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana loo baahan yahay in gargaar lala gaaro.

"Caruur, waayeel, haween, dhalinyaro dhamaan waa laga barakacay guud ahaan xaafadaha Baledweyne, waxa indhaha laga fiirsan kato maha waxa Baledweyne ka jiro, waxaan ku baaqeyna in loo gurmado dadkaas dhibaatadu hayso" ayuu yiri Xildhibaan Maalin Cabdalla.

Waxaa sidoo kale ay ka digeen Xildhibaanada iyo siyaasiyiin in gurmadka loo sameynayo dadka reer Baledweyne in loo marsiiyo gacan aamin ah.

"Waxan dalbaneyna in gargaarka Baledweyne la gaarsiin doono in laga taxadaro oo gacan aamin ah lagu hubiyo oo aanan loo gacan galin kuwa wax ka raadinaya gargaarka shacabka, anaga Xildhibaanada waan tageyna si aan uga hortagno inuu gacan kale galo gargaarka dadweynaha loogu talo galay"ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Hadalkaan kasoo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo gargaarka loogu talo galay dadka shacabka ah dhowr jeer oo hore la boobay ama aanan la garsiin dadkii loogu talo galay, sababo la xariira musuqmaasuq.