7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2023
Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab oo lagu soo bandhigay deegaanka Bacaadweyn
 

Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa lagu soo bandhigay boqolaal ciidamada deegaanka ah oo loo diyaariyay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Ciidamadaan oo ah kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa ku biiraya ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka culus kula jira sidii Al-shabaab ugu xureyn lahayeen guud ahaan dalka.

Saraakiil u hadashay ciidamadaan ayaa warbaahinta waxay u sheegeen in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku garab is taagayaan ciribtirka kooxda Shabaab.

Si kastaba ha ahaate deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug waxaa wali ka socda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dagaalkaasi mudada ay socdaan in Shabaab awood looga saaray deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo ay ka mid tahay Bacaadweyn.