7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2023
Kornayl Jimcaale: Deni isagaa dambiile ah oo dad rayid ah ku laayay Garowe iyo Bosaso
 

Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka Danab ee Puntland, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay saxaafadda kasii daayay madaxweyne Deni, kaasoo ahaa inuu cafis fidiyay sarkalkan iyo ciidankiisa.

Kornayl Jimcaale oo soo saaray war-saxaafadeed, ayaa sheegay, madaxweyne Deni inuu isagu yahay dambiile ka dambeeyay dagaalo ay dad rayid ah ku geeriyoodeen, kuwaas oo ka kala dhacay Garowe iyo Bosaso.

Kornaylka wuxuu sheegay madaxweyne Deni inuu isagu u baahan yahay inuu cafis weydiisto ciidanka kumaandooska Danab iyo shacabka Puntland.

Ugu dambayn wuxuu sheegay inuu hoggaansan yahay go’aankii isimadu ay soo saareen, ee ahaa in doorashada lagu qabto waqtigeeda, oo aysan aqbali doonin dib u dhac.