7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2023
Shabeellada Dhexe: Heshiis lagu gaaray qofkii qof aano qabiil u dila in shareecada lagu xukumo
 

Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Kulan looga hadlayay ammaanka deegaanada hoos yimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa heshiis lagu gaaray in hay’adaha amnigu soo qabtaan qofkii qof dila, laguna fuliyo xukunka shareecada.

Heshiiskaan ayaa lagu sheegay inuu ahmiyad ballaaran u leeyahay sidii loosoo afjari falalka aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo caqabad ku noqday nabad galyada gobolka.

Wasiirro ka tirsan Hirshabelle, Hay’adaha Garsoorka, Hay’adaha Amniga, Maamulada Cadale iyo Raage-ceele ayaa ka qeyb galay kulankan, iyagoo soo dhoweeyay heshiiskan. Waxayna sheegeen inay taageerayaan sidii heshiiskaas uu ku dhaqan gali lahaa.

Maamulada Cadale iyo Raage-Ceele ayaa waxay ballan qaadeen in laamaha amaanka ay u gudbin doonaan cid kasta oo ku lug yeelata falalka lidiga ku ah ammaanka iyo xasiloonida deegaanada u dhaxeeya labadaasi degmo.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa gacanta ku haya ammaanka goobihii ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed hubeysan, waxaana dagaaladaasi ay sababeen in dad rayid ah lagu laayo, laguna gubay guryo rayid ah.