7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2023
Madaxweyne Deni oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la garnaqsado kooxaha mucaaradka

Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii ugu horraysay sheegay in uu diyaar u yahay inuu garnaqsi la galo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in uusan diyaar u ahayn in kala aragti duwaanshaha doorashada uu sababo inuu dhiig ku daato, wuxuuna taas bedelkeed sheegay inuu soo dhoweynayo in miiska wadahadlaka la yimaado.

Wuxuu sheegay haddii looga guulaysto gartaas inuu diyaar u yahay inuu u hoggaansanaado. Sidoo kale madaxweyne Deni wuxuu sheegay inuu cafis u fidiyay Gen. Jimcaale oo ah taliyihii hore ee ciidanka Danab, kaasoo ay mar ku dagaalameen magaalada Garowe, bishii June ee lasoo dhaafay.

“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan uga baaqaya in Dowladdu cafis u fidiso, oo General Jimacaale u wayn yahay, Waxaan kale oo baaq u dirayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee dowlada haaatan ka aragti duwan inay miiska nala soo fariistaan oo wixii sharci ah iyo caqli diyaar ayaan u nahay inaan kala Hadalno.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.

Inkastoo madaxweyne Deni uu sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal, haddana wuxuu hadalkiisa ku caddeeyay in aanu wax gorgortan ah ka galaynin doorashada qof iyo cod.

Dhinaca kale, qaar kamid siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hadalka madaxweyne Deni ku tilmaamay mid marin habaabin ah, waxayna sheegeen inuu isaga jeedinayo eedaha dul hoganayo, iyo culayska kaga yimid beesha caalamka.