7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2023
Dallada mucaaradka Puntland oo soo saaray jadwalka doorashooyinka Puntland

Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Dallada mucaaradka Puntland ayaa maanta oo talaado ah waxay soo saareen jadwalka doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada, iyagoo sheegay in ay ka ambaqaadayaan go’aankii kasoo baxay shirkii golaha Isimada.

Warsaxaafadeed ay soo saareen mucaaradku, waxay ku sheegeen in doorashada loo qaabeeyay habkii qabaliga ahaa ee ay horey ugu dhici jirtay doorashadu, taasoo ka bilaabanaysa xulista baarlamaanka.

Mucaaradku waxay sheegeen go’aankooda inuu yahay mid ay kaga hortagayaan damaca madaxweyne Deni, ee ah inuu sameysto muddo kororssi sharci darro ah.

Waxay tilmaameen in 15-ka bishan ay bilaabanayso la tashiyada bulshada ee wacyi galinta soo xulista xildhibaanada Puntland.

Tallaabadan uu qaaday mucaaradka, ayaa noqon karta mid kor usii qaada, khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan arrimaha doorashada maamulka Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii uu guddiga doorashada Puntland shaaciyay jadwal doorasho oo qof iyo cod ah, iyagoo sheegay in madaxweynaha iyo baarlamaanka ay halmar isla dooran doonaan shacabka.

Waxay doorashadaas ku jadwalaysan tahay 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo socda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay ka go’an tahay in la fuliyo jadwalka doorashada.