7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa

Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabid, xilka qaadis iyo isku badal ku sameeyay golihiisa xukuumada.

Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Wasiirkii Isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil, Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani iyo Wasiirkii Maalgashiga Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne.

Dhinaca kale, waxa uu xilal u magacaabay Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Axmed Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Wasiirka Maal-gashiga, Cali Xasan Maxamed Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Saleebaan Yuusuf  Cali Koore Wasiirka Biyaha iyo Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Marka lag yimaado isku badalka iyo xil ka qaadista madaxweynaha ayaa Afhayeenkii Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni u magacaabay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka,  sidookale Raabbi Cabdi Maxamed ayuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, halka Saleebaan Cawad Cali Bukhaari  iyo Axmed Maxamed Habbane  loo magacaabay wasiirada jidadka iyo beeraha.

Waa isku shaandhayntii ugu balaadhnayd ee uu madaxweynaha Somaliland sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay 6 sanno kahor.