7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2023
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa saadacahii lasoo dhaafay ku fatahay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wabiga ayaa ku tahay deegaanada iyo degmooyinka kala ah Afgooye, Awdheegle, Jannaale, Buula mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana halkaasi isaga barakacay boqolaal qoys oo u badan beeraleey.

Sawiro halkaas laga soo qaaday fatahaada uu ku dhuftay wabiga Shabeelle deegaanadan ka tirsan Shabeellaha hoose ayaa muujinaayay baaxada biyaha iyo saameyntooda.

Fatahaada deegaanadaan uu ka sameeyay wabiga ayaa loo sababeynaya kannaalada biyaha Webiga u gudbiya beeraha oo sahlay iney biyaha wabiga kuso baxaan.

Biyahaan ku fatahay Buulo mareer iyo Golweyn ayaa sidoo kale gooyay dalag beeraad aad  farabadan oo ku beernaa beeraha ku yaala deegaanadaas.

Wabiga Shabeelle ayaa sidoo kale todobaadkan biloowgiisii ku fatahay dhamaan xaadafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kasoo halkaasi ka geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho, barakac iyo burbur hantiyadeed.