7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2023
Garaad Jaamac "Somaliland, hadday mar danbe sheegato dhulkeenna, annana waxa aan tegeynaa Hargeysa

Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo katirsan golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo, ayaa sheegay in ay ciidamada SSC ku fasixi doonaan inay gudaha u galaan degaanada Somaliland.

Garaad Jaamac ayaa uga digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaal ee ay ka waddo Oog, isagoo sheegay in ay wax badan xakamaynayaan, si aanay ciidamadooda uga tallaabin dhulkooda.

"Somaliland, hadday mar danbe sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xidhaynaa, annana waxa aan tegeynaa guryahooda [Hargeysa] waana soo qabqaban doonaa kuwii dhibta ka gaystay dhulkayaga."ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu sheegay inay weli ku jiraan halgankii lagu xoreeyay gobolka Sool. Wuxuu sheegay inay waajib ku tahay inay degaanadooda ka difaacdaan Somaliland.

Hadalka Garaadka ayaa yimid xilli abaabul dagaal laga dareemayo degaanka Buqdharkayn, oo ay dhawaan ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo SSC- Khaatumo.

Shalay mid kamid ah qabaa'ilada Somaliland ayaa gurmad lagu taageerayo ciidamada Somaliland geeyay degaanadii lagu dagaalamay.